LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Waa maxay Pre-term labor?


 

🟠 Waa Maxay Preterm Labor?

Preterm labor waa marka hooyo uur leh ay dareenta in bilowato shaqadi dhalmada ka hor usbuuca 37-aad ee uurka, iyadoo ilmo nool weli lagu dhalayo.

 

🔴 Causes (Sababaha)

In badan oo ka mid ah kiisaska preterm labor ma laha sabab cad, balse waxyaabaha sababi kara waxaa ka mid ah:

  • Infections (infekshanno, gaar ahaan kuwa xubinta taranka dumarka, kaadi mareenka)
  • Placental abruption (marka mandheerta kasoo fuqdo darbiga minka)
  • Uurka oo ah twins ama more (ilmo badan)
  • Uurka oo muddo ka yar u dhexeeyay kan hore ("short interpregnancy interval")
  • Cervical incompetence (afka minka oo daciif ah)
  • Stress iyo trauma (shil, buuq, ama xaalad nafsiyeed adag)

 

🟠 Risk Factors (Waxyaabaha Halista Kordhiya)

  • Dhalmo hore oo preterm ah
  • Da’da hooyada (aad u yar ama aad u weyn)
  • Dhumuc ama daciifnimo jir ahaaneed (BMI aad u hooseeya ama sare)
  • Cabbista sigaarka, khamriga, ama maandooriyaha
  • Dhibaatooyin caafimaad sida hypertension, diabetes, ama infection-ka STIs
  • Shaqo culus ama istaag badan
  • Dhibaatooyin la xiriira ilmo-galeenka (uterus)

 

🔵 Diagnosis (Sidee loo Ogaa?)

Dhakhaatiirtu waxay isticmaalaan dhowr hab:

  1. Fetal fibronectin test (fFN): haddii uu jiro mucus gaar ah oo laga helo xubinta taranka ee dumarka  (>50ng/ml)
  2. Cervical length via ultrasound: haddii qoor xameetidu noqoto mid gaaban, waxaa laga yaabaa inuu dhalmada hore ku jiro (<2.5cm or <25mm)
  3. Monitoring uterine contractions (la socodka caloosha inay isku ururinayso)

>4 contraction 20  daqiiqo gudahooda.

>8 contraction 60 daqiiqo gudahooda.

  1. Pelvic exam – si loo qiimeeyo furitaanka (cervical dilation  >3cm iyo effacement >80%).

 

 

🟣 Signs Predicting Preterm Labor (Calaamado Muujinaya in ay Dhalmo Hore Dhici Karto)

  • Afka minga (cervix) oo gaabta >2.5cm.
  • Cervix(afka minka) oo noqda U shape.
  • Bishop score >4
  • Fetal fibronectin oo lagu arko (vagina) >50ng/ml isbuuca 22aad – isbuuca 37aad.

 

🟢 Prevention (Kahortag)

  1. Prenatal care wanaagsan – la socod joogto ah
  2. Dawada progesterone – loogu talagalay haweenka leh taariikh preterm hore
  3. Cerclage in la xiro cervix (afka minka) badana waxaa lasameeya
  4. In laga fogaado sigaarka, khamriga, stress badan
  5. Ku dadaal in jirkaagu helo nasasho, iyo inaad iska ilaaliso shaqo culus
  6. Tallaabooyinka looga hortago infekshanka (tusaale ahaan daaweynta STIs)

 

🟤 Complications (Dhibaatooyinka Ka Dhalan Kara)

  • Ilmo leh respiratory distress sababta oo ah sambabada oo aan korinka dhameesan.
  • Dhibaatooyin maskaxda ah (intraventricular hemorrhage)
  • Dhibaatooyin caloosha iyo dheef-shiidka
  • Dhibaato koritaan iyo caqliyeed muddo fog
  • Khatar dhimasho (infant mortality)

 

🟡 Management (Sida Loo Maareeyo)

  • Hospital admission – in hooyada la dhigo isbitaalka
  • Tocolytics – dawooyin joojiya contractions-ka si dhalmada dib loogu dhigo
  • Steroids (DEXAMETHASONE) – lagu hormariyo bislaanshaha sambabada ilmaha
  • Antibiotics – haddii uu jiro infection
  • Magnesium sulfate – looga hortago dhaawaca maskaxda ilmaha
  • Bed rest – in hooyada ay nasato.

 

Post a Comment

0 Comments