Antepartum hemorrhage waa dhiig-bax dhaca ka hor inta aan la
dhalin ilmaha (ka hor dhalmada), gaar ahaan ka dib todobaadka 28 aad ee uurka
ilaa waqtiga foosha. Waa xaalad caafimaad oo halis ah oo saameyn karta hooyada
iyo ilmaha labadaba.
Sababaha ugu waa weyn ee antepartum hemorrhage (dhiig-baxa dhaca
ka hor dhalmada) waxaa loo qaybiyaa laba qeybood:
1. Sababaha ugu waaweyn (Major causes):
a. Placenta previa
- Waa
marka placenta (ibida) ay ku xirmato qeybta hoose ee ilmo-galeenka,
mararka qaarna ay daboosho iridka (cervix).
- Calaamadaha:
Dhiig-bax aan xanuun la socon, inta badan marka uurku gaaro dhammaadka
(3-da bilood ee ugu dambeysa).
b. Abruptio placentae (Placental abruption)
- Waa
marka placenta ay si lama filaan ah uga go'do gidaarka ilmo-galeenka ka
hor dhalmada.
- Calaamadaha:
Dhiig-bax + xanuun caloosha ah + cadaadiska dhiigga hooyada oo hoos u
dhaca + dhaqdhaqaaq yar oo ilmaha ah.
c. Uterine rupture
- Jeex
ama dillaac ku yimaada ilmo-galeenka (uterus), badanaa hooyo horey u
lahayd qaliin (sida cesarean).
- Calaamado
halis ah: Dhiig-bax daran, xanuun xoog leh, iyo dhaawac ku dhaca ilmaha
ama hooyada.
d. Vasa previa
- Xididdada
dhiigga ilmaha ee ku jira membranes-ka ayaa mari kara iridka
ilmo-galeenka, markay go'aan (rupture) waxay keeni karaan dhiig-bax halis
ah.
- Waxaa
laga dareemi karaa dhakhtar ahaan marka ilmuhu yeesho wadno garaac daciif
ah (fetal distress).
2. Sababaha kale (Minor or less common causes):
- Infection
(caabuq ku dhaca afka ilmo-galeenka ama gudaha uterus-ka).
- Polyp
ama cervical erosion (burbur ama dhaawac yar oo ku yaalla afka
ilmo-galeenka).
- Trauma
– sida dhaawac ka dhasha shil, galmo adag, ama baaritaan gudaha ah.
- Multiple
pregnancies (mataano ama ka badan) – waxay kordhiyaan halista placenta
previa ama abruptio.
Calaamadaha
- Dhiig
ka imanaya xubinta taranka ee hawenka – midab casaan khafiif ah ama casaan
madow; wuu yaraan karaa ama wuu badan karaa.
- Xanuun
caloosha ama dhabarka – gaar ahaan haddii uu jiro placental abruption.
- Cadaadiska
dhiigga hooyada oo hoos u dhaca – calaamad dhiig-bax daran.
- Dhaqdhaqaaq
yar ama la'aanta dhaqaaq ee ilmaha – calaamad muujin karta in ilmaha uu
dhibaato dareemayo.
- Madax
xanuun, lalabo, ama wareer – calaamado dhiig-bax daran oo sababay hoos u
dhaca wareegga dhiigga.
- Uurka
oo adkaada ama caloosha oo dareen adag yeelata – gaar ahaan placental
abruption.
- Xanuun
ku dhaca hooska ama lugaha – haddii uu jiro cadaadis ama dhiig-bax gudaha
ah.
Ka hortaga
antepartum hemorrhage
1. Kormeer joogto ah oo xilliga uurka ah (Antenatal care):
- In
hooyadu si joogto ah u booqato dhakhtarka si loola socdo horumarka uurka.
- Ultrasound
hore ayaa lagu ogaan karaa haddii ay jirto placenta previa ama
halis kale.
2. Ka fogaanshaha
waxyaabaha halista kordhiya:
- Joojinta
sigaarka iyo isticmaalka maandooriyaha – waxay kordhiyaan khatarta placental
abruption.
- Kordhinta
nafaqada wanaagsan si uu jirku u ahaado mid xooggan.
- Ka
fogaanshaha dhibaatooyin jireed ama dhaawacyo ku yimaada caloosha (shilal,
rabshado, iwm.).
3. Maaraynta cudurrada hooyada horey u qabtay:
- Sida cadaadiska
dhiigga (hypertension) ama sonkorowga uurka – waxay kordhiyaan khatarta
abruption.
- Daaweynta
infections-ka gudaha (vagina) ama ilmo-galeenka.
4. Kormeer gaar ah haddii hooyadu horey u lahayd qaliin (sida
cesarean):
- Waxaa
la qiimeeyaa xaaladda ilmo-galeenka (uterus) si looga fogaado uterine
rupture.
5. Ka fogaanshaha galmo ama jimicsi xoog leh haddii la ogaado in
hooyadu leedahay placenta previa ama xaalad kale oo khatar ah.
Daaweynta antepartum hemorrhage (dhiig-baxa ka dhaca inta lagu jiro
3-da bilood ee ugu dambeysa uurka) waxay ku xirnaaneysaa sababta keentay,
xaddiga dhiig-baxa, iyo muddada uurka. Ujeeddada daaweyntu waa badbaadinta
hooyada iyo ilmaha labadaba.
1. Qiimeyn degdeg ah (Emergency assessment):
Marka hooyo timaado iyadoo leh
calaamado dhiig-bax:
- Waxaa
la baarayaa cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha, iyo heerka oksijiinta.
- Waxaa
la sameeyaa ultrasound si loo arko xaaladda placenta-da iyo ilmaha.
- Waxaa
la hubiyaa dhaqdhaqaaqa iyo wadno garaaca ilmaha (fetal monitoring).
- Dhiig
baa laga qaadaa si loo helo blood type iyo haddii ay u baahan tahay
dhiig-celin.
2. Daaweyn ku saleysan sababta:
a. Placenta previa:
- Haddii
dhiig-baxa yar yahay: hooyada waxaa lagu hayaa isbitaalka, nasasho ayaa la
farayaa, galmo waa la mamnuucayaa.
- Haddii
dhiig-baxu badan yahay ama ay gaartay waqtiga dhalmada: waxaa la sameeyaa qalliinka
cesarean.
b. Placental abruption:
- Haddii
uu yaryahay oo ilmuhu bad-qabo: hooyada waa la kormeeraa ilaa ay dhalayso
si dabiici ah ama lagu talaalo.
- Haddii
uu weyn yahay: badanaa waxaa lagu sameeyaa dhalmo degdeg ah (emergency
delivery).
- Hooyada
waxaa la siiyaa dhiig haddii ay lumisay mid badan.
c.
Uterine rupture:
- Waa
xaalad degdeg ah oo u baahan qalliin degdeg ah si loo badbaadiyo hooyada
iyo ilmaha.
- Waxaa
dhici karta in ilmo-galeenka la xiro ama la saaro (haddii dhaawacu weyn
yahay).
d.
Vasa previa:
- Waxaa
loo baahanyahay qalliin degdeg ah (cesarean), gaar ahaan haddii xididdada
ilmaha ay dillaacaan.
- Haddii
la ogaado kahor dhalmada, cesarean waxaa lagu qorsheeyaa inta aanay biyuhu
dillaacin.
3. Dhiig-gelin (Blood transfusion):
- Haddii
dhiig-baxu badan yahay oo hooyadu ay lumisay dhiig, waxaa la siiya dhiig.
4. Daawooyin
kale:
- Antibiotics
haddii uu jiro infection.
- Daawooyin
lagu kiciyo foosha ama lagu joojiyo foosha iyadoo ku xiran xaaladda.
5. Kormeer joogto
ah kadib daaweynta:
- Hooyada
iyo ilmaha labadaba waxaa la siiyaa daryeel si loo hubiyo in aysan
dhibaatooyin kale ka dhalan.
Fiiro gaar ah: Antepartum hemorrhage waligeed ma aha
xaalad lagu daaweyn karo guriga – mar kasta oo dhiig-bax jiro, waa in hooyada
la geeyo isbitaal si degdeg ah.
0 Comments